Horyaalka kubbadda kolayga oo dhawaan ka billaabanaya Muqdisho

gabdhahii paskitbaoll ee simalia 1Xiriirka kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa sheegay in 20-ka bishan magaalada uu ka furmi doono horiyaalka heerka 1-aad ee kubadda kolayga.

Xoghayaha xiriirka kubadda Kolayga Soomaaliya Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa warbaahinta u sheegay in sanadkan markii ugu horreysay 13-ka koox ee u diiwaan gashan xiriirka u kala saareen heerka koowaad iyo heerka labaad, isagoo xusay in 8 koox ay ciyaari doonaan horyaalka heerka koowaad ee billaaban doona.

Kooxda ugu hoos marta kooxaha heerka koowaad ayaa u laaban doonta heerka labaad, halka kooxda horyaalka heerka labaad ku guuleysata ay usoo dallici doonto heerka koowaad.

Xoghaye Baasaale ayaa caddeeyay in horyaalka billaaban doono oo ka dhici doona garoonka kubadda kolayga ee Wiish stadium (EX-Luujino) ee degmada Cabdicasiis, ay dadweynaha ku geli doonaan lacag la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here