Horyaalka Ingiriiska oo sanadkaan 2011 ku qatintay si layaab leh, United iyo Chelsea oo la cunay (Sawiro)

Iyadoo maanta ay ugu danbeysay sanadka 2011 ayaa horyaalka Ingiriiska waxaa laga soo calaamadeeyey ciyaarihi la ciyaareye ee ugu danbeeyey sanadkaan guuldarooyin laso gudboonaaday kooxaha caanka ah sida Manchester United iyo Chelsea.

Kulanki ugu xiisaha badnaa waxa uu dhex maray Man United iyo Blackburn waxaana 3-2 ku badisay Blackburn oo si la yaab leh ugu badisay guriga Old Trraford.

Weeraryahanka kooxda Blackburn Yakubu Aiyegbeni ayaa gool rigoore ah dhaliyey iyadoo uu goolkaana ahaa goolkiisii 12aad ee xilli ciyaaredkan.

Qeybtii labaad markii la isku soo noqdayna goolkii labaad ayuu dhaliyey Yakubu. Hase yeeshee waxaa labo gool oo darandoori ah u dhaliyey naadiga Man United Berbatov. Hase yeeshee waxaa beeniyey goolkii 3aad ee guusha u dhaliyey naadiga Blackburn ciyaaryahankooda Hanley ciyaarta oo ka dhiman toban daqiiqo.

Sidoo kale kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge loogaga badiyey maanta kadib markii kooxda Astonvilla ay ugaga badisey 3-1 ciyaar ka mid ahayd horyaalka Ingiriiska. Drogba ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo goolka uu dhaliyeyna uu ahaa kii 150 aad ee uu u dhaliyo Chelsea.

Hase yeeshee waxaa barbareeyey stephen Ireland oo kooxda Astonvilla ka tirsan. Hase yeeshee difaaca Chelsea oo jilcanaa awgeed ayaa labo gool waxaa u sii raaciyey ciyaaryahanada kala ah Stilivan Petrov oo kabtan kooxda ah iyo Darren Bent oo bedel ku soo galay.

Kooxda Arsenal ayaa 1-0 waxa ay ugaga badisey kooxda QPR, waxaana goolka guusha u dhaliyey kooxda Arsenal laacibkooda van Persie daqiiqadii 60aad. Goolka uudhaliyayna waxa uu ahaa goolkiisii 35aad waxana ay kooxda Arsenal haatan gashay kaalinta 4aad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska.

Ciyaar kale ayaa waxa ay dhex martay kooxaha Bolton iyo Wolverhampton waxana ay isla dhaafi waayeen barbarro 1-1 ah. Sidoo kale Stoke City iyo Wigan waxa ay ku dhamaatay barbarro 2-2 ah, waxaa sidoo kale barbaro ku dhamaatay kulankii ay Swansea iyo Tottenham dhex martay waxaana ay ku dhamaatay 1-1.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.