Hormuud oo $12,000 ugu deeqday dad abaar ay ku heesato Galgaduud

Hormuud oo $12,000 dad abaar ay ku heesato Galgaduud
Hormuud oo $12,000 dad abaar ay ku heesato Galgaduud

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa lacag dhan USD 12,000 waxay ugu deeqday dadka ay abaarta saameysay ee ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Madaxa shirkadda ee Guriceel Cismaan Cabdi Warsame ayaa lacagta ku wareejiyay guddoomiyaha Guriceel, Cismaan Ciise Nuur si wax loogu qabto dhibbanayaasha abaarta ee ku nool deegaannada gobolka Galgaduud.

Cismaan Cabdi ayaa sheegay in lacagta ay qeyb ka tahay USD 24,000 oo shirkadda ay ugu talagashay in lagu caawiyo dadka ku dhibaateysan gobolka.

Guddoomiyaha Guriceel ayaa uga mahad-celiyay shirkadda Hormuud taageerada ay u fidisay dhibbanayaasha abaarta, wuxuuna ka codsaday shirkadaha kale iyo qurbojoogta inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadka dhibaateysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here