Hormarinta hooyadda iyo dhalaanka oo qabtay aqoon isweydaarsi

Maternal Mercy & Development Organization (MMD)
Maternal Mercy & Development Organization (MMD)

Ururka Hormarinta Hooyadda & Dhalaanka Maternal Mercy & Development Organization (MMD) ayaa maanta waxa uu Seminaar Hal maalin ah oo lagu baranayay Halista HIV/AIDS ka, wax yeelladda, Gudniinka fircooniga, iyo waliba Early Marriageka ama Guursiga Deg deg ah ee gabdhaha lagu de dejiyo.

Gudoomiyaha MMD ahna wasiirka Caafimaadka Banadir State Mudane Asad Abukar Cali oo ahaa Madaxii ugu ee sareeyay ee soo qaban qaabiyay Seminaarkasi ayaa sheegay in seminarkan uusan aheyn kii ugu horeyay ee nuuciisa ah ee ay u qabtaan bulshadda qeebaheedda kala duwan.

Seminaarkan ayaa waxaa loo qabtay 40 arday oo ka ka kalasocday qeebaha Bulshadda, seminarkan ayaa waxaa daruus ka bixinayay macalimiin qibrad gaar ah u leh Casharadda ku saabsan Wax yeelladda Qoddabadan lasoo xulay ee lagu baraarujinayay Arday dii qaadaneysay Seminaarkaasi.

Si aad ah ayeey ugu mahad celiyeen dhamaan kasoo qeyb gallayaashii seminarkan oo sheegay in casharadan loo soo xullay ay yihiin kuwo wax ku ool ah oo loo baahan yahay in la dhaqan galiyo oo la joojiyo Gudniinka Fircooniga, sidoo kale laga hortago de dejinta Guurka Gabdhaha Yar, Iyo in laga Hortaga Gogol dhaafka si loo yareeyo fididaanta cudurka HIV/AIDSka la iskana Baaro dhiigaga La isku shubo.

Ugu danbeyntii waxaa mahad celin gaar ah usoo jeediyeen ardaydda Ururka MMD kana codsadday in ay usii wadaan seminaaradda Sidan oo kala ah si loo helo bulsho nadiif ah oo xor ka ah cuduradda halista ah lana qabsato Adduunka Cusub ee hormaray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.