Horiyaalka Soomaaliya oo dib loo dhigay Sabab?

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay horiyaalka heerka koobaad ee dalka Soomaaliya.

Xog-hayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Salaad Carrab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dib loo dhigay horiyaalka heerka koobaad,oo labo toddobaad ka hor ka furmay garoonka cayaaraha Koonis ee degmada Cabdicasiis.

Wuxuu sheegay in dib loogu dhigay xulka qaranka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa, kaasoo dabayaaqada bishan ka furmaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, wuxuu maanta oo Khamiis ah warbaahinta u caddeenayaa in dib loo dhigay horiyaalka heerka koobaad, waayo waxaa dhawaan u ambabaxaya Kenya xulka qaranka Soomaaliya kuwaasoo ka qaybgalaya tartanka Cecafa, cayaartoyda qaar waxa ay ka tirsan yihiin kooxaha siddeeda ee horiyaalka” ayuu yiri Cabdiqani Carrab.

Ugu dambeyn wuxuu xoghayaha tilmaamay in marka uu soo dhammaado koobka Cecafa uu dib u billaaban doono horiyaalka, waxaana lagu furayaa ayuu yiri kooxaha Elman iyo LLPP Jeenyo, kuwaasoo kulankoodii ay lahaayeen loo baajiyay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay garoonka Koonis.

2270

Horiyaalka sannadkan waxaa ka qaybgalaya ilaa siddeed koox oo kala ah:

Elman FC.

Heegan

Banaadir Sports Club.

Horseed.

LLPP Jeenyo

Gaadidka.

Dekedda

Safaana

Waxaa horiyaalka hadda lix dhibcood ku hoggaaminaysa kooxda booliska ee Heegan .

Bogga Midnimo.com waa hooyga cayaaraha Soomaalida iyo kuwa caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here