Hooyo si la yaab leh wiilkeeda uga badbaadisay Libaax cuni rabay

133562789Haweeney ku nool gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa ka badbaadisay wiilkeeda oo 5 jir ah libaax cuni rabay, sida ay sheegeen saraakiisha gobolkaasi.

Haweeneyda ayaa maqashay qeylo ka yeereysa bannaanka gurigeeda oo ku yaalla meel u dhow magaalada Aspen, waxaana ay aragtay libaaxa oo kusoo booday wiilkeeda, ka dibna waxa ay libaaxa ka riday wiilka.

Wiilka ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaaray madaxa iyo luqunta, waxaana loo qaaday cisbital ku yaalla magaala madaxda gobolkaasi ee Denver. Xaaladiisa ayaa la sheegayaa in ay wanaagsan tahay.

Gabar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in hooyada wiilka dhashay ay gacanteeda adeegsatay markii ay wiilkeeda ka badbaadineysay libaaxa.

Saraakiisha deegaanka ayaa markii dambe dilay libaaxaasi.

Buuraha gobolka Colorado ayaa waxaa ku nool libaax tiradiisa lagu qiyaasay 4,500, waxaana dhowr jeer oo hore uu libaaxaasi weerarray dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here