Hooyo ku umushay afar carruur ah mid ka mid ah xeryaha dadka barakacay ee magaalada Muqdisho

Mid kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha dadka soo barakacay ayaa waxa ay ku umusha degmada Hodon ee magaalada Muqdisho afar carruur ah.

Carruutan ayaa mid ka mid ah uu geeriyooday halka  saddexda kale ay nool yihiin.

Xaliimo Maxamed Cali oo ahayd hooyada carruurtan dhashay ayaan wax dhibaato ah kala kulmin mudadii foosha hase yeeshee Xaliimo ayaa hadda walwal badan waxa ay ka qabtaa xaalada carruurtooda oo ay dhashay xilli ay bilaabanayaan roobabka deyrta.

Xaliimo ayaa halka ay ku nooshahay waxa uu yahay mid aan dabaysha,roobka iyo qorraxdaba aan ka celin karin caruurteeda sida ka muuqato sawirada laga soo qaaday hoyga ay ku nooshahay oo ka samaysan baco iyo dhar duugoobay,

Sidoo kale hooyadan ayaa waxaa ay dhibaato ka haysataa dhinaca gogosha iyo dharka iyadoo aanay jirin cid ay ku tiirsan tahay oo ay ka heli karto dhaqaale.

Hay’adaha samafalka ayaa iyagu mar walba iska indho tira dhibaatooyinka qaaska ah ee soo wajaha dadka soo barakaca hase ahaatee waxay mar walba xooga saaraan sidii barnaamijyo ay qandaraasyadooda wax ugaga heli karaan ay ka fuliyaan xeryaha soo barakacay.

Xaliimo ayaa  ka codsatay bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka siiyaan sidii ay carruurteeda ugu heli lahayd nolol maalmeedka daruuriga ah.

 


 


 


 


 


 


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here