Hooyada iyo aabaha dhalay caruurti lagi duqeeyey Jilib oo dalbaday magdhaw

Qoyska dhalay shan caruur ah oo ay diyaaradaha dagaalka Kenya dhawaan ku duqeeyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa dalbaday in la siiyo magdhaw.

C/laahi Macalin Xuseyn oo weerarki Jilib kaga dhinteen afar caruur ah oo uu dhalay oo lagu kala magacaabo Ayaan, C/fataax, C/naasir, iyo C/raxman iyo gabar yar oo ay daris ahaayeen ayaa ka dalbaday dowlada Kenya in ay magdhaw ka bixiso.

“Waxaan dalbaneynaa dadkaasi cadawnimada noo laayey in ay ma garaneysaa dadkeenii ay xasuuqeen magdhaw ka bixiyaan, hadii ay bixin waayaanna koleey anaga dadkeenii way na dhaafeen, talada anga kaligeen ma nihin ee Soomaali oo dhan ayey u taalaa,” ayuu yiri.

Dhanka kalana hooyada dhashay oo iyana lagu magacaabo Faadumo Shariif Cismaan, ayaa marki ugu horeysay ka hadashay dareenkeeda ku aadan caruurti ay ku weysay duqeynti Jilib ee todobaadki hore.

“Dhibaatada Ilmaheyga ku dhacday waan ka murugeysanahay, sadex hada ii nool waxay jireen dugsigaoo ay ku maqnaayee, waxaan ka tagay ayaga oo wanaagsan, kadibna iyaga oo meyd ah ayaan u imid, Ilaah ayaa mahad leh oo oofsaday,” ayey tiri.

Hada waalidiintaan ay masiibada kaga habsatay caruurtoota ayaa waxa ay heystaan sadex caruur ah oo kala ah Axmed Nuur , Fartuun iyo Maxamed Cabdulaahi.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.