Hooseey:Waxaa noo haray Ufuroow iyo Diinsoor

Gudoomiyaha gobolka Baay, ee doowlada Soomaaliya, Cabdi Aadan Hooseey, oo lahadlayay warbaahinta Muqdisho, ayaa shegay in maalinimadii shalay Ciidamada doowlada iyo kuwa Ethiopia, ay Al-shabaab kala wareegeen deegaano hoostaga gobolka Baay.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in hada ay wadaan qorsho ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaanada Ufuroow iyo Diinsoor, oo wali ay maamulaan Al-shabaab.

“…Waan sii soconeeynaa meel walbana sidaas ayaa loo qabanayaa, waxa noo harayna waa Diinsoor iyo Ufuroow, intaasna waa la qaban doonaa haduu Alla idmo…” ayuu yiri Cabdi Aadan Hooseey.

Gudoomiyaha, ayaa dhanka kale beeniyay ineey jiraan Ciidamo katirsan kuwa maamulka ay gadood sameeyeen, islamarkaasna uu jiro isku dhac dhanka mushaaraadka ah, wuxuuna sheegay in wararkaas ay faafiyen dad kasoo horjeeda nabada gobolka Baay.

Al-shabaab ayaa iyagu wali maamula degmooyin katirsan gobolka Baay, sida Ufuroow iyo Diinsoor.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here