Hoos u dhac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado Khudaarta Sawiro

Suuqa Xamarweyne ee khudaarta
Suuqa Xamarweyne ee khudaarta Photo:midnimo

Maalmihii ugu danbeeyay suuqyada magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay hoos u dhac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado Khudaarta nuucyadeeda kala duwan.

Suuqa X/weyne gaar ahaan halka loo yaqaano barxada dahablaha ayaa hada ah halka ugu weyn ee lagu iibiyo Khudaarta nuucyadeeda kala duwan, marka aad tagto halkaas waxay indhahaagu qabanayaan Khudaar waran barxada, waxaana inta badan laga keenaa labada Shabeele.

Maryan Maxamed, oo kamid ah ganacsatada Khudaarta ku iibisa X/weyne, ayaa u sheegtay midnimo.com  in qiimaha lakala siisto khudaarta hoos u dhac uu ku yimid, iyadoona sababta ku sheegtay in beeraha laga soo gooyo Khudaarta ay hada si fiican usoo go’een.

Qaraha, oo kamid ah khudaarta soo go’ada xiliga Jiilaalka gaar ahaa bisha Maarso, ayaa hada ah mid si aad ah usoo raqiisay, waxaana uu kamidyahay khudaarta ay dadka ka samaystaan Cabitaanada, Laakiin Canbaha ayaa ah mid qiimaha lagu kala iibsado uu aad u sareeyo iyadoo halkiisii xabo Jumlada lagu kala iibsado qiimo u dhaxeeya 5-7 oo shs ah.

Wadanka Soomaliya ayaa hodan ku ah khudaarta nuucyadeeda kala duwan, waxaana mara wabiyada Shabeele iyo jubba, sidoo kale Soomaaliya waa dhul uu ilaaheey ku maneystay hawo iyo jawi ku haboon dhul beerashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here