Hoobiyeyaal xalay lagu garaacay degmada Afmadow ee Jubada Hoose

Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa xalay saqdii dhexe lagu garaacay saldhigyo ku yaal degmada Afmadow, halkaasoo fariisimo ay ku lahaayeen, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan weerarada hoobiyeyaasha.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa shan ruux oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen, kadib markii madaafiicda ay ugu tagtay guryahooda xilli ay hurdayeen.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka hoobiyeyaasha lagu garaacay degmada Afmadow, ayna qasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada dowladda.

Lama soo sheegin wax jawaab ah oo ciidamada ka bixiyeen duqeyntii xalay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa cabsi iyo walaac la soo dersay markii ay madaafiicda bilowdeen.

Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka jirta degmada Afmadow, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo saaka ku dhaqaaqay goobaha madaafiicda laga soo tuuray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here