Hoobiyeyaal loo waday madaxwtooyada oo qasaaro gaarsiiyey dad barakac ah

Laba ruux ayaa ku dhimatay oo uu ku jiray canug yar 8 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki madaafiic hoobiye yaal ah ay ku dhaceen xalay saqdi dhexe xero ay ku noolyihiin dad barkac ah oo ku taalo degmada Howlwdaag.

Duqeynta oo dhacday xalay saqdi dhexe ayaa la sheegayaa in bartilmaameedkeedu ahaa xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya, hase yeeshee laba ka mid ah madaafiicda ayaa ku habsatay xerada Daraawiishta oo ku taala agagaarka Taalada Sayidka oo ah goob u dhaw Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Waa marki sadexaad oo mudo laba todobaad gudahood ah madaafiic lagu weerarayo xarunta madaxtooyada iyo xaafadaha u dhaw dhaw ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay sheegteen weeraradaasi kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadki lasoo dhaafay booqasho ku marayey dhamaan degmooyinka Muqdisho xilli habeen ah isaga oo ku dhiiri geliyey ciidamada in aysan ka seexaan har iyo habeen amniga caasimada.