Hoobiye geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo ku dhacay degmada Wadajir

Hal ruux ayaa ku geeriyooday shan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu xalay ku soo dhacay gurigooda oo ku yaal degmada Wadajir hoobiye.

Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay weerarka hoobiyaha ah ayaa la sheegay inay ahaayen hal qoys oo degenaa agagaarka garaashka Xildhibaan Muuse Suudi ee degmada Wadajir.

Illaa iyo hadda lama garanayo halka laga soo tuuray hoobiyahan hase yeeshee waxaa uu weerarkan hoobiyaha ku abuuray dadka degen degmada Wadajir cabsi waayo muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ahayd degmada Wadajir meel ammaan ah.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay weerarka hoobiyaha ee lala eegtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee tan iyo markii ciidamada Alshabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo badanayay weerarada miinoyinka iyo hoobiyaasha ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Waxana uu noqonaysa weerarkii ugu horeeyey ee hoobiye ah oo lagu qaado meel aanahayn madaxtoyada Soomaaliya, waxana dhowr jeer hoobiyaal lagu soo tuuray madaxtoyada ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray dad rayid ah oo ku noolaa agagaarka madaxtoyada.