Hoobiyayaal xalay lagu soo weeraray Warta-nabada & Boondheere

Abaare Xalay 12:25 oo habeenimo ayaa mar qura dadka ku nool degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada, waxay ku soo tooseen dhawaqa madaafiic xoogan oo kusoo dhaceysa.

In kabadan 10 xabo oo qoriga Hoobiyaha ah ayaa kusoo dhacday degmooyinkaas, lamana oga ilaa iyo hada khasaraaha ka dhashay, lamana oga cida soo tuurtay iyo meesha laga soo tuuray.

Mid kamid ah saraakiisha Al-shabaab oo maalin hore wareysi siinayay Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay ineey qaybo kamid ah magalada Muqdsiho maamulaan, sida Suuqa Xoolaha, Huriwaa, Deyniile iyo qaybo kamid ah Yaaqshiid.

Amaanka Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqanayay mid sii xumaanaya, waxaana xusid mudan in Saraakiishii dhawaan loo magacaabay xilalka Ciidamada aysan qaban ilaa iyo hada wax muuqata, iyadoo qaarkood ayba iskaga nastaan Hoteelada Muqdisho.

===========================================================================================

Faah-Faahin iyo haddii ay jiraan khasaari ay geesteen hoobiyaasha xaley ku dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho kala soco wararkeena dambe in shaa allah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here