Hoobiyayaal lagu garaacay Villa-Somalia

villa-somalia-1Inta la xaqiijiyay ilaa 4 Hoobiye ayaa kusoo dhacday agagaarka Madaxtooyada Villa-Somalia, kuwaasoo aan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Meelaha kale ee Hoobiyaashu ku dhaceen ayaa ah Ex-Fiora iyo 15 May oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia.

Dhawaaqa qaraxa Hoobiyaasha ayaa laga maqlaayey dhamaan xaafadaha ku dhaw xarunta Villa Somalia

Idaacadda ku hadasha afka ururka al-Shabaab ee Andulus ayaa sheegtey in Xarakadu ay weerar Mootaro ah ku qaadey xarunta Villa Somalia iyo safaaradaha ku dhaw khasaaro ba’ana ay geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here