Holland:Dagaalka Mali waxa uu galay marxaladii ugu danbeysay

Madaxweynaha wadanka Faransiiska Francios Holland, ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay dagaalkii ugu danbeeyay wadanka Mali kula jiraan kooxaha mayalka adage e ka tirsan Al-qacida.

Madaxweyne Holland, ayaa sheegay in wadanka Chad ay qayb weyn ka qaadanayaan dagaalka Mali ee lagula jiro waxa uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada.

Ciidamo ka socda wadamada waqooyiga Afrika ayaa lagu wadaa ineey la wareegaan howsha nabad ilaalinta wadankaas, kadib markii ay Ciidamada faransiiska bilaabaan ineey ka baxaan wadankaas.

Madaxweyne Holland, ayaa sheegay in kooxaha xiriirka la leh Al-qacida laga saaray dhamaan magaalooyinkii ay qabsadeen sanad kahor laakiin ay hadda dagaalo ka wadaan qaybo kamid ah buuraha koofureed.

Sarkaal u hadlay Ciidamada wadanka Chad ayaa sheegay in dagaal ay jimcihii lagaleen kooxahan mayalka adag ay ka dileen 13 dagaaklyahan 65 kalena ay ka dhaawaceen.

Holland, waxa uu sheegay in dagaalka hada ka soconaya dhanka koofureed ee buuraha Mali uu yahay kan ugu danbeeya.

Waqooyiga wadanka mali ayaa hada waxaa ka soconaya dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada wadanka Mali oo garab milatari ka helaya Ciidamada Faransiiska iyo kuwa wadanka Chad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here