Hogiimiyihi la afganbiyey ee dalka Guinea-Bissau oo la xoreeyey

Ciidamo ka socda dalalka Galbeedka Africa ayaa sii daayey oo xorriyadiisii usoo celiyey hogaamiyihi la afganbiyey ee dalka Guinea-Bissau iyo Ra’isulwasaarihi hore.

Ra’isulwasaarihi hore ee dalkaasi Former Carlos Gomes Junior iyo madaxweynaha kumeel gaarka ah Raimundo Pereira ayaa loo duuliyey Caasimada Ganacsiga dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan Ivory Coast, labada mas,uul ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulmaan madaxweyne Alassane Ouattara kadib in ka badan 2 todobaad oo ay xabsi ku jireen.

Mr Pereira ayaa u mahad celiyey madaxweynaha Ivory Caost Ouattara, kaasi oo haatan ah madaxweynaha xiligaan ee Ururka Ecowas oo ay ku midyesanyihiin dalalka dhaca Galbeedka Africa.

Milatariga xooga ku qabsaday awooda ayaa ogolaaday in ay 12 bilood gudahood ku dhiibayaan xakunka kuna wareejiyaan dowlad rayid ah kadib wada hadalo ay la geleen ururka Ecowas.

Guinea-Bissau ayaa caan ku ah afganbiga, tan iyo marki uu madaxbanaanida ka qaatay gumeystihii Portugal mudo iminka laga joogo 40-sano ma jirin madaxweyne lasoo doortay oo waqtigi waqtigiisa dhameystay maxaa yeelay waxaa lagu ridayey inqilaab milatari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.