Hoggaanka Ahlu Sunna oo Sheegay in aysan ka Soo Horjeedin Wada Shaqeynta Dowladda

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca gobollada dhexe Sheekh Maxamuud Macallin Xasan isaga oo u warramayay warbaahanta waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan xariirka Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladihii dalka soo maray ayaa waxa u sheegay in wax heshiis ah iyo wax colaad ahba aysan ka dhaxeyn, waxa uu shaaca ka qaaday guddoomiyah in dowladda ay u suurta gashay in ciidamada Ahlu Sunna ay ku biiriyaan, waxa uuna sheegay in aysan ka soo horjeedin in ay la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya hase ahaatee waxa uu tilmaamay in ay ciidan ahaan ay ugu biireen isaga oo ka dhawaajiyay in Ahlu Sunna ay tahay mid lagu soo biiro oo kaliya.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee Galgaduud mar uu ka hadlay isku dhafka ciidamada dowldda iyo kuwooda waxa uu sheegay in sababta la isugu biiriyay ay tahay sidii ay iskaga kaashan lahayeen la dagaallanka Alshabaabka ka dagallama Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljaaca ayaa ku dheeraaaday in  ciidanka Ahlu Sunna ay yihiin rasmi cidna aysan ku biiri Karin doiwladdana ay u suurta gasay in ay kamid noqdaan iyaga oo iska kaashaanaya la dagaallanka kooxda Alshabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here