Hoggaamiyihii Hore Al-Qaacida Bin Laadin Oo Kula Taliyay Ururka Al-Shabaab in Dowlada fiican Loo Dhiso Soomaaliya(Warbixin)

Dowladda Mareekanka ayaa dhawaan soo bandhigtay Dikumintiyo laga helay gurigii lagu dilay hoggaamiyihii hore Al-Qaacida Osama Bin Ladin ee dalka Pakistan, kaa oo ahaa in hoggaamiyaha Al-Qaacida uu kula taliyay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi aw Maxamuud Godane oo siddoo kale loo yaqaan Mukhtar Abu Zubair in uu ka dhiso dalka Soomaaliya dowlad aad u wanagsan oo wax u qabata shacabka Soomaaliyeed.

Bog ay lee dahay xarunta la dagaalanka argagixisada ee dalka Mareekanka oo loo soo gaabiyo CTC ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah 17-dukumintiyo laga helay gurigii uu ku dhuumaaleesanaayay Bin Ladin ee ku yaala Magaalada Abootobaad ee dalka Pakistan, kaa oo sheegayay in warqad uu qoray Bin Ladin 7-dii bishii August sannadkii 2010-ka uu ku booriyay hoggaamiyaha Al-Shabaab in la sameeyo dowlad wanaagsan,

Sidoo kale waxa uu Bin Ladin kula taliyay in la sameeyo isku xir u dhexeysa shacabka iyo Al-Shabaab taas oo saldhig looga dhigaayo is-cafis, cadaalad, dulqaad iyo isku xirnaan ururka iyo shacabka uu sameeyo sida lagu sheegay warbixinta la soo galiyay barta internetka ee CTC.

Sida ay sheegeyso warbixinta CTC Hoggaamiyaha Al-Qaacida kuma qanansaneen in la mideeyo Al-Shabaab iyo Al-Qaacida waayo waxa uu arkaayay in ay dhashaan kacdoon, sidoo kale waxa uu kula taliyay in aan hadda la abuurin dowlad Islaami ah, taas oo la sheegay in uu ku khilaafsanaa hoggaamiyaha cusub ee Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, ka hor inta uusan dhiman.

Laakin bishii February 2012-ka ayaa hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Zubair iyo hoggaamiyaha Al-Qaacida Zawahiri ku dhawaaqeen in Al-Shabaab ay la midowday Al-Qaacida.

Wadadkan hadda sutida uhaya Al-Qaacida ee u dhashay dalka Masar ayaa doonayay in xoogga Al-Qaacida loo soo wareejiyo bariga dhexe iyoAfrica, sidaas waxa lagu sheegay warbixinta CTC.

Si kastaba, Osama waxa uu arkaayay mideenta Al-Shabaab iyo Al-Qaacida in ay abuuri karto cadow badan iyo tafaraaruq baahsan oo ku yimaada  hoggaanka Al-Shabaab, Al-Shabaab hadda dhul badan oo ay ka arriminaayeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa horaantii sannadkan laga qabsaday, waxana dagaalada lagula jiro ku soo biirayEthiopiaiyoKenya.