Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka dalka Libya oo gaari uu watay la rasaaseeyay.

Sida ay qortay toddobaadkan shabakadda Al-Jazeera, kooxo hubeysan ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxa ay weerrar ku qaadeen gaari uu la socday hoggaamiyaha ku-meel-gaarka dalka Libya, Maxamed Magriif, kaasoo ka tagay xarunta baarlamaanka dalkaas.

Gaariga la weerraray ayaa ka tagay caasimada Tripoli, waxaana ay sheegayaan saraakiisha ciidamada Libya in wax yeelo aysan ka dhalan weerrarkaas.

Arrintan ayaa daba socota gadood ay sameeyeen maleeshiyooyin ka dhisan dalka Libya, kuwaasoo isugu soo baxay dhisma uu daganaa hoggaamiyihii hore Mucamar Gadaafi.

Afhayeenka golaha baarlamaanka dalka Libya ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdaas aad looga xumaaday dalka oo dhan.

” Baabuurka uu la socday madaxa golaha qaranka (Mohammed Magarief) waxaa lagu rasaaseeyay dhismaha golaha mar uu ka tagaayay , waxa ay ahayd shil aad naxdin u lahayd” sidaas waxaa saxaafadda u sheegay , Ashur Shwayel

Mohammed Magarief, waxa uu horrey u soo noqday danjirihii Libya u fadhiyay India, waxaa uu ka mid badbaaday weerrar dabley gurigiisa ay ku soo qaaden bishii January.

Dibax baxyaal arrintan aad uga xun ayaa isugu yimid xarunta golaha qaranka dalka Libya kuwaasoo sheegay in ay aad uga xun yihiin wixii ka dhacay Tripule.

Waxaa kaloo jira dibad baxyaal ku mu daharaaday xarunnta dhismaha oo diidan qaabka ay wax u maalayaan golaha dalka qaranka Libya.

Ra’iisal wasaare Cali Zeidan ayaa shegay ku dhawaad 300 dibad baxyaal ah in ay isugu yimaadeen dhismaha xarunta kuwaasoo dalbanaya in lacaga gunooyinka la siiyo,

Sarkaal u hadlay dowladda Libya oo la hadlay wakaalada wararka LANA ayaa sheegay in baabuurka Magareif ay ku dhaceen rasaas xooggan, isla markaana ay jiri karaan khasaaro  laakn ma sheegin tirada inta ay la egtahay.

Dad badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda ku-meel-gaarka dalka Libya waxa ay ka caroodeen in la xayiray lacagihii gunada loo siin jiray.

Bishii December, ee sannadkii hore, ayaa dhammaan siyaasiyiinta xiriir la lahaa Qadaafi, waxaa laga joojiyay

Salaasadii hore ayaa golaha Qaranka Libya waxa ay dib ugu soo laabteen dhismahooda, kaddib toddbaad banaanka ay ka joogen.

Qaar badan oo golahan ka tirsan ayaa dalbaday in magdhow la siiyo dadkii ku dhaawacmay kacdoonkii ka dhacay Libya sannadkii 201, kaasoo aakhirkii meesha laga saaray Qadaafigii la dilay.

Si kastaba, kacdoonkii ka dhashay dalka Libya, waxaa curyaamiyay kaa bayaashii dhaqaalaha laga helaayay sida Saliida oo warshadihii ay fadhiisteen, xarumihii dowladda waxaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad aaney jirin cid ay ka amar qaataan.

Dadka reer Libya dhowr qaybood ayey u kala qayb sameen iyadoo dalka uu hub badan soo galay, waxaana lagu tilmaamay Soomaaliya Labaad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here