Hogamiyayaashii Maxakamada Ogolaatay in ay Xildhibaano noqdaan oo loo qaybiyay Kararkoodii [Sawiro]

Hogamiyayaashii Maxakamada u Golaatay in ay Xildhibaano noqdaan oo loo qaybiyay Kararkoodii

Xildhibada  ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya kadib markii loo qeybiyay lana siiyay kaararka Aqoonsiga ee kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Maxkamada Sare ee Dalka ayaana go’aan kama dambeys ah Shalay ku ogolaatay in Xubnihii loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub oo u badnaa Hogaamiyaashii Kooxaha loo ogolaaday in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub.

Gudiga Farasada ayaa u muuqda  kuwa ku fashilmay Go’aankoodii ahaa in ay ka hor istaagaan Xildhinadadan  ay ugu yeereen Dambiilayaal dagaal xili aysan jirin Maxkamad la saaray ragaan oo Dambiyada Dagaal ku oogtay, Maxkamada Sare ee Dalka sheegtay in aysn jirin wax danbi oo loo heysto.

1- Maxamed Qanyare Afrax
2- Bootaan Ciise Caalin
3- Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)
4- Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
5- Maxamed Ibraahim Xaabsade
6- C/casiis Sheekh Yuusuf
7- C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
8- Axmed Ducaale Geelle Xaaf
9- Xirsi Aadan Rooble
10- C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf (Luga-Dheere)
11- Maxamed Faarax Jimcaale
12- Aadan Maxamed Nuur Xaydar (Aadan Saransoor)
13- Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale
14- Maxamed Xuseen Nuur Xagaafi
15- C/llaahi Sheekh Ismaaciil

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here