Hogaanka Shirka Kismaayo oo sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh Ka Sugayaan inuu Gaaro Kismaayo

Hiloowle Aadan Maxamuud, oo ah gudoomiye ku xigeenka shirka ka soconaya magaalada Kismaayo ee maamulka loogu sameeynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo, ayaa mar uu wareysi siinayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, waxa uu sheegay in wafdi kasocda urur goboleedka IGAD ay ka sugayaan ineey gaaran magaalada Kismaayo.

Hilowle Adab ayaa carabaabay in wafdi heer Caalami ah kana socda IGAD iyo doowlada Federaalka Soomaaliyana ay qayb katahay ay sugayaan ineey gaaraan magaalada Kismaayo, si ayuu yiri ay kaga qayb galaan doorashada lagu wado in madaxweyne loogu sameeyo maamul goboleedka lamagac baxay “JUBALAND” .

Gudoomiye ku xigeenka shirka kasoconaya magaalada Kismaayo, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay sugayaan inuu soo gaaro deeganadooda madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh, kadib markii uu soo dhamaysto socdaalka uu hada ku joogo Puntland.

Waxaa sidoo kale Hilowle, uu xusay in wax khilaaf ah uusan kala dhaxaynin doowlada, balse waxa uu sheegay in laysku haysto 2 qodob oo dastuuri ah taasna laga wada hadlayo.

“Doowlada dhexe waxay xukuntaa maamul goboleedyada, nidaamka dastuuriga ah waxa uu waafaqsanyahay Federaalka, federaalkana waxa uu waafaqsanyahay in sadaxdaas gobol ay maamul dhistaan, wafdi uu Ra’iisul wasaaraha hogaaminayo ayaa Kismaayo yimid, qodobo dastuuri ayaana lasyku qabtay, waxna waa laysla meel dhigay waxna waa dhimanyihiin, wada hadalna wuu socdaa” sidaa waxaa yiri gudoomiye ku xigeenka shirka Kismaayo Hilowle Aadan.

Tan iyo wixii ka danbeeyay safarkii guuldarada kusoo dhamaaday ee uu Ra’iisul wasaare Sacid ku gaaray magaalada Kismaayo, ayaa waxaa soo baxayay warar laysla dhexmarayay oo sheegaya in shirka magaalada Kismaayo ka soconaya uu fashilmay doowlada Federaalka Soomaaliyana aqoonsaneen maamulka Jubaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here