Hogaanka shirka Kismaayo oo sheegay in Isbuucaan la dooran doono madaxweynaha Jubbaland

Gudoomiye ku xigeenka gudiga farsamada ee shirka lagu dhisayo maamulka Jubbaland, Hilowle Aadan Maxamuud, ayaa sheegay in ilaa iyo hada tirada musharaxiinta u tartameysa jagada madaxweynaha maamulka Jubaland ay yihiin ilaa iyo 10 musharax.

Hilwole, waxa uu sheegay in madaxweynaha ay soo dooran doonaan todobaadkan gudihiisa.

Hilowle, waxa uu sheegay ineey ku taaganyihiin qodobo dastuuri ah, kuwaasoo u ogolaanaya ineey maamul dhistaan, waxa uuna sidookalexusay in madaxda dalka lagu dhaariyay dastuurka dalka u yaala loona baahanyahay ineey taageeraan shirka Kismaayo ka soconaya.

Shirka Kismaayo ee la doonayo in lagu soo dhiso maamulka Jubalanda ayaa masuuliyiinta hor boodeysa waxa ay had iyo jeer sheegaan inuu meel gaba gaba ah u marayo, hadana waxaa soo baxa caqabado hortaagan inuu miro dhalo.

Shalay ayay ahayd markii 10 xubnood oo kamid ah Ergada ka qayb galaysay shirka ay isaga baxeen, kuwaasoo sheegay in xubno ka socda IGAD ay faragalin baahsan ku haayaan shirka.

Doowlada Soomaaliya ayaa iyada horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirka Kismaayo, waxayna sheegtay in wax walbo oo kasoo baxa shirkaas aysan aqbali doonin.

Ra’iisul wasaare Saacid, ayaa dhowr mar ku cel celiyay in shirka Kismaayo aanu waafaqsaneen dastuurka dalka u yaala, sidaa darteedna doowlada ay kasoo horjeedo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here