Hogaanka Nabad Sugida Soomaaliya oo dalbaday in laga joojiyo wararka been abuurka ah

Hogaanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya, ayaa dalbaday in laga joojiyo wararka been abuurka ah,  oo ay siyaasiyiinta qaar ka faafiyaan.

Agaasimaha hay’ada Nabad Sugida Qaranka Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Goobe) oo warbaahinta lahadlayay, ayaa sheegay in masuuliyiinta doowlada looga bahanyahay ineey la shaqeeyaan Ciidamada sirdoonka, isagoona xusay in maalin kahor ay soo baxday eedeyn loo soo jeediyay Ciidamada Nabad Sugida, taaso ku aadaneyd ineey hor’istaag ku sameeyeen Xilibaano doonayay ineey ku shiraan Hotelka City Place.

Bashiir Goobe, ayaa sheegay in aysan jirin wax hor’istaag ah oo ay Ciidamada Nabad Sugida ku sameeyeen Xilibanadaas, balse ay tahay arin laga bad badiyay oo been abuur ah, waxaana uu agaasimaha dalbaday in inta aan warbaahinta laga hadlin qalad ay galaan Ciidamada Nabad Sugida, in lagu soo wargaliyo xaruumaha ay ka amar qaataan.

Waxa uus heegay in Ciidamada Nabad Sugida ay marwalbo usoo jeedaan difacida dalka iyo masuuliyiinta doowlada, dhibaatana ay kasoo garto inta ay hoowshaas ku jiraan.

“Hadii ay hay’ada qaranka qalad nuucaas ah ay gasho waxaan diyaar u nahay inaan dusha u ridano, anagana waxaan codsaneeynaa inaan nala masabidan oo an nagala been abuurin” ayuu yiri agaasimaha hay’ada Nabad Sugida qaranka.

Xilibaano katirsan baarlamanka Soomaaliya, qaybna ka ah kuwa mooshinka ka dhanka ah Xukuumada wada, ayaa maalin kahor sheegay in Ciidamo katirsan kuwa Nabad Sugida ay kahor istaageen kulan ay ku yeelan rabeen Hotelka City Place ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here