Hogaamiyihii hore ee SSC Saleebaan Ciise(Xaglo Toosiye) oo loo magacaabay Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada. Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa waxaa Wasiir loogu magacaabay Hogaamiyihii SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye)

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (2)aad Ee Dastuurka Somaliland,

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Weyn Ee Ay Wasaaradduhu U Leeyihiin Dalka Iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In Baahi Loo Qabo Buuxinta Jagadan Hoos Ku Xusan

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa Iyo Hufnaantiisa Shaqo,

Markuu ku Qancay: In uu Hanan Karo Xilka Loo Magacaabay,

Wuxuu Go’aansaday:-

1. In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, Laga Bilaabo Taariikhda Maanta Uu Ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib U Dejinta Ee JSL.

2. In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, Laga Bilaabo Taariikhda Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Ee JSL.

3. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, Laga Bilaabo Taariikhda Maanta Uu Ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha Iyo Tamarta Ee JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here