Hogaamiyihii Al-qacida ugu weynaa Waqooyiga Afrika oo la dilay

Afhayeen uhadlay Ciidamada wadanka Chad eek u sugan wadanka Mali, ayaa sheegay in ay dileen hogaamiyihii Al-qacida ugu sareeyay geska Afrika (Mukhtar Bil-mukhtaar).

Ku dhawaaqista dilka Mukhtaar, waxaa si rasmi ah ushaaciyay telefeshinka ku hadla afka doowlada Chad, mana jiraan warar kaloo xaqiijinaya dilka hogaamiyahaas ka tirsan Al-qacida.

Ciidamada wadanka Chad ayaa waxay qayb kayihiin ciidamada uu Faransiiska hogaaminayo ee dagaalada kula jira kooxaha mayalka adage e wadanka Mali ka dagaalama.

Mukhtar Bil-mukhtaar, ayaa la aaminsanyahay inuu ahaa maskaxdii ka danbeeysay weerarkii bishii January ee sanadkaan kooxo hubeysan ay ku qaadeen warshad shidaal oo kutaal wadanka Algeria, waxaana weerarkaas ku naf waayay 37 lahayste oo u badnaa reer galbeed.

Chad, ayaa sheegtay in Ciidamadeda iyo kuwa Al-qacida dagaal ku dhexmaray buuraha waqooyi ee Mali, ay u suurtagashay ineey dilaan Mukhtaar Bil-mukhtaar iyo rag kaloo sar sare islamarkaasna katirsan Al-qacida.

Sidookale bayaanka kasoo baxay chad, waxaa lagu sheegay in Ciidanka Chad ay bur buriyeen ilaa 60 gawaarida dagaalka ah, oo ay wateen kooxaha mintidka Mali.

Dhimashada Mukhtaar, ayaa hadii ay rumowdo waxay Al-qacida ku noqon doontaa dhabar jab weyn oo kasoo wajahay dhanka geeska Afrika.

Dhimashada Mukhtaar Bil-mukhtaar, ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii uu madaxweynaha wadanka Chad Idiris Deebe, uu ku sheegay in Ciidamadiisa ku sugan wadanka Mali ay dileen C/xamiid Abuu Zeyd, oo isna ahaa hogaamiye weyn oo Al-qacida uga howlgala wadamada geeska Afrika.

Idiris Deebe, waxa uu shegay in Abuu Zeyd, uu ahaa hogaamiyaha 2aad ee Al-qacida ugu weyn geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here