Hogaamiyihi mucaaradka Gobolka Darfur Khalil Ibrahim oo la dilay

Hogaamiyihi mucaaradka jabhada ugu weyn gobolka Darfur ee galbeedka dalka Sudan Khalil Ibrahim ayaa la dilay sida ay baahisay warbaahinta dalkaasi.

Wakaalada wararka dalkaasi ee SUNA ayaa sheegay in Khaliil Ibraahim ay dileen ciidamada milatariga kadib dagaal ku dhex maray deegaanka Wad Banda oo ka tirsan waqooyiga gobolka Kordofan.

Sheegashadaan oo lagu soo gudbiyey fariin qoraaleed ayaaney jirin cid madax banaan oo xaqiijisay.

Khalil Ibrahim waxa uu ku caan baxay hogaanka Kooxda Mucaaradka ah ee Sinnaanta iyo Cadaalada oo ka dagaalanta gobolka ay colaadaha ragaadiyeen ee Darfur.
Horaanti sanadkaan wuxuu kasoo laabtay dalka Libya oo uu musaafuris ku joogay kadib dhicitaanki xukumadi Col Gaddafi.

Xukumada Khartoum ayaa ku eedeysay jabhada Jem ee uu hogaaminayey Mr Khalil in ay u dagaalameysay waqtidi dagaalka Libya sidi Col Gaddafi uu awooda u sii heysan lahaa.

Dhicitaanki rajiimki Col Gaddafi ee magaalada Tripoli ayaa dharbaaxo ku ahaa mucaaradka Sudan oo ka heli jiray Libya taageero dhaqaale iyo mid milatari.

Jabhadan ayaa heshiis xabad joojin ah la saxiixatay dowlada Sudan bishi February 2010 laakin isla markiiba way ka baxeen heshiiska kadib marki dowlada ay ku eedeeyeen in ay weeraro cusub ku qaadeen Darfur.

Ilaa iyo 300,000 oo ruux ayaa ku nafwaayay colaada Darfur tan iyo marki ay bilowdeen sanadki 2003, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com