Hogaamiyihi dalka Guinea-Bissau oo geeriyooday

Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau Malam Bacai Sanha ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Paris ee caasimada dalka France.

Raadiyaha qaranka ayaa laga sheegay in hogaamiyaan oo ahaa 64-sano jir uu ku dhintay Paris kadib marki uu dhawaan ugu amba baxay sidi halkaasi loogu daweyn lahaa, waxa ay ka danbeysay arintaasi marki uu haleelay xanuun kusoo laa laabtay.

Mr Sanha waxaa loo doortay madaxweynaha dalkaasi sanadki 2009 kadib sanado xasilooni daro iyo afganbiyo kala duwan ay ka dhaceen wadanka.

Bishi lasoo dhaafay Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa in ay u safraan Guinea-Bissau marki ay kordheen cabsida laga qabo qalalaaso siyaasadeed oo shaki galisay in dalka uu dib ugu laabto dagaaladi ahliga ahaa.


Wali lama sheegin xanuunka uu u dhintay madaxweynaha, laakin waxaa loo maleynayaa inuu u dhintay xanuunada ku dhaca beerka.
Mr Sanha wuxuu door weyn kasoo qaatay madaxbanaanida dalka Guinea-Bissau waxaana uu mudo dheer kasoo tirsanaa xisbiga dalkaasi hada ka taliya ee African Party.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.