Hogaamiyaha Al Shabaab oo si kulul u weeraray dowlada Turkiga

Fariin maqal ah oo uu soo duubay hogaamiyaha Al Shabaab, Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr ayuu si kulul ugu weeraray dowlada Turkiga oo ka mid ah dalalki sida walaaltinimada ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed.

Codka maqalka ah oo lasoo dhigay boga ay Shabaab ku leeyihiin internetka ayuu Abu Zubery ku sheegay in Turkiga ay hogaanka u qabteen wax uu ku sifeeyey dagaal ay dowlada Saliibi ah ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu Turkigu ku eedeeyey in ay carqaldeynayaan in Imaarad Islaami ah laga dhiso dalka Soomaaliya.

“Turkiga kaalin fool xun ayey kaga jiraan Soomalaiya, waxay hormuud u noqdeen carqaladeynta umada Soomaaliyeed ee ay la damacsanyihiin saliibiyiinta,” ayuu yiri Abu Zubeyr.

Mar uu soo hadal qaaday Shirki London ee looga hadlay Soomaaliya, ayuu ku tilmaamay shirqool loo dhigay dadka Soomaaliyeed, waxana uu ka digay mirihi kasoo baxay.

Amiirka Al Shabaab ayaa baaq u diray Al Shabaabka ka dagaalama buuraha Goolis, isaga oo ku dhiiri geliyey in ay ku jiraan booski ciidamadi Daraawiishta.

“Ogaada Mujaahidiinta Goolis waxaad ku aadantihiin goob muhiim ah oo istaraatiiji ah, waxaad ku jirtaan kaalinti daraawiish sida Jiilali, Taleex iyo meelaha kale, waxaa ILAAH mahadii ah in hal qarni kadib jihaadkii Daraaswiishta uu mar kale kusoo rogaal celiyey dhulkaasi, waxaad tihiin ciidanki fashilin lahaa shirqoolada ay gaalada u maleegayaan umada dagan Sool, Sanaag, Bari iyo dariskooda,” ayuu yiri.

Hogaamiyaha Al Shabaab ayaa mar walba soo duubo cajalado maqal ah, wali ma dhicin inuu kasoo muuqdo cajalad muuqaal ah, sidoo kale wali kama uusan hadlin dadka meel fagaara ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.