Hogaamiyaha Al-Qaeda oo ugu baaqay dhalinayara Saudi Arabia in ay kacdoon sameeyaan

Hogaamiyaha AL-QAEDA Ayman al-Zawahiri ayaa ugu baaqay dhalinyarada kasoo jeeda dalka Saudi Arabia in ay kacdoon sameeyaan sida jaalayaashooda Tunisia, Masar iyo Libya.

Fariin muuqaal ah oo lasoo dhigay bar internet hase yeeshee u muuqaray mid lasoo duubay bilihi Febrayo ama Marso isla markaana socotay lix daqiiqo ayu Al Zawahiri ku sheegay in loo baahanyahay in la rido boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Maxaad u kici la,dihiin iyadoo aad tihiin wiilashii sharafta lahaa, ma waxaad fiirsaneysaan idinka oo dhimanaya isla markaana la idin magac dilayo, maxaad u raaci la,dihiin dariiqi ay mareen dhalinyarada iyo shacabka walaalihiina Tunisa, Masar, Yemen iyo Libya,” ayuu yiri  Zawahiri.

Waxa uu soo qaatay kacdoonkii Guga Carabta ee soo bilowday bishii December ee sanadki 2010 kaasi oo lagu riday madaxweynayaal sanado soo maamulayey dalalka Carabta.

Cajalka ay soo duubeen Al Qaacida ayaa muujinayey boqorka Sacuudiga Boqor Abdullah oo la kulmaya Hogaamiyaha Diinta Masiixiga Pope Benedict XVI, madaxweynihi hore ee Mareykanka George W. Bush iyo madaxweynaha xiligaan ee Mareykanka Barack Obama.

Waxa kale oo uu ugu baaqay dadka reer Yemen in ay dagaal kala hor yimaadaan madaxweynaha cusub  Abdi Rabbo Mansour Hadi, isaga oo ugu yeeray inuu yahay wakiil ka socda Mareykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.