Hogaamiyaha Al Qacida oo ku dhawaaqay in Al Shabab iyo Al Qacida midoobeen

Hogaamiyaha ururka Al Qacida Ayman Al Dawaahiri ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Al Shabab ay ku biirtay urur weynaha Al Qaacida.

Cajalad muuqaal ah oo uu kasoo hormuuqday hogaamiyaha Al Qacida sidoo kalana uu qeyb ka ahaa cod ku dhex jiray cajalkaasi oo maqal ah oo uu soo duubay hogaamiyaha Al Shabab, Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay si rasmi ah uga mid noqotay Al Qaacida.

Qudbad Al Zawahri oo lasoo dhigay bar ay internetka ku leeyihiin Al Qaacida ayaa kaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya, dagaalka Al Shabaab iyo Al Qacida ay ka wadaan Soomaaliya, duulaanka ciidamada Ajnabiga ah iyo dowlada KMG Soomaaliya.

“Maanta waxaan ugu bishaareynayaa dhamaan umada Muslimiinta ah in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku biirtay Dhaq dhaqaaqa Jihaadiga ah ee Al Qacida, taasina waxaa ay ka danbeysay si aan ugu midowno una taageerno jihaadka ka dhan ah gaalada saliibiga ah iyo sidi aan uga hortagi laheyn ololaha ay wadaan gaalada iyo kuwa taageera,” ayuu yiri Al Zawahiri.

Hogaamiyaha Al Shabaab, Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr oo isna cod maqal ah kaga hadlay cajalada ay soo duubtay Al Qaacida ayaa sheegay inuu aqbalay in ay ku biiraan Al Qaacida, waxa kale oo uu sheegay in ay dheecsanyihiin hogaamiye Ayman Al Zawahiri ka bilow isaga ilaa dhamaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Madaxda Al Shabaab ayaa sanadki 2009 waxay sii daayeen cajalad muuqaal ah oo ay ku taageereen hogaamiyaha Al Qacida iyaga oo cinwaan uga dhigay ” Sheekh Osama waan ku taageersanahay, isla sanadkaasi waxaa cajalad fiidiyo ah soo duubay Sheekh Osama oo dagaalka ku dhiiri geliyey Al Shabaab isla markaana ku booriyey in ay ridaan dowlada uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif.

Laakin fariintan cusub ee al-Zawahri ayaa ah marki ugu horeysay oo ay si dhab ah ugu qirtaan in Al Shabaab ay isku biiraan, waxana tani ay meesha ka saareysaa in la kala qaado Al Qacida iyo Al shabaab oo laba urur kala ahaan jiray awal balse hada noqday hal magac.

Bishi November ee kal hore hogaamiyaha Al Qaacida Ayman Al-Zawahri waxa uu sii daayey cajalad uu ku amaanayey hogaamiyihi hore ee Al Qaacida Usaama Bin Laden oo uu kaga hadlay noloshiisii waxa uu ka yaqaanay.

Al Qaacida ayaa saameyn balaaran ku laheyd dagaalada ka socda Soomaaliya, waxaase aad u daba socda Mareykanka iyadoo ay xusid mudantahay in Mareykanka ay ku dileen dalka Somalia sadex sarkaal oo muhiim ah oo ka tirsanaa AL Qaacida, waxa ugu danbeeyey Bilal al-Berjawi oo bishi hore diyaarad drone ah ay ku duqeysay duleedka Muqdisho.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. ascwwb dhamaan soomaaliweyn kooxda la yiraahdo alshabaab weligood waxeey amar ka qaadan jireen alqaacida waane ciidan ka tirsan alqaacida
    ku biirida shabaab ee ururka alqaacida waxba ma soo kordhineeyso

Comments are closed.