Hogaamiyaha afganbiga ku qabsaday Mali oo xilka wareejinaya

Hogaamiyaha afganbiga ku qabsaday dalka Mali ayaa ogolaaday in uu xakunka ku wareejiyo dowlada rayidka ah, taasi oo qeyb ka ah heshiis dhex maray urur goboleedka Ecowas.

Hadii uu xakunki rayidka ahaa kusoo laabto Mali, waxa si toos ah loogaga qaadi doonaa cuna qabateynta dhinaca dhaqaalaha ah iyo ganacsiga oo uu urur goboleedka Galbeedka Africa ee Ecowas kusoo rogay xakunka milatariga.

Sida uu heshiiska dhigayo milatariga ayaa xakunka ku wareejin doono gudoomiyaha baarlamaanka Diouncounda Traore, kaasi oo si KMG ah u noqon doono madaxweyne isla markaana soo diyaarin doono doorashooyin cusub.

Heshiiskan ayaa yimid ka gadaal marki ay mucaaradka Tuareg ay shaaciyeen in ay dowlad madax banaan ka sameeyeen gobolka Waqooyi taasi oo ay ugu magac dareen Azawad.

Mucaaradka ayaa qabsaday deegaanadaasi laba todobaad ka hor xiligaasi oo uu dalkaasi dhaco Galbeedka Africa galay xaalad kala guur ah marki madaxweynihi hore uu afganbiyey milatariga.

Marka la dhaariyo,  Mr Traore waxa uu 40 maalin gudahood kusoo diyaarin doonaa doorashooyin xor ah sida uu dhigayo heshiiskan oo ka kooban shan bog.

Ecowas ayaa haatan diyaarineyso 3,000 oo askari oo la geyn doono goobaha ay qabsadeen mucaaradka si ay u istaajiyaan dhaq dhaqaaqa mucaraadka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.