Hogaamiyaasha Dhaqanka oo dhaliilay qaabka shirka odayaasha ee ka socda Magaalada Muqdisho + Sawiro

Kulan dood ah oo ay ka qeyb galeen hogaamiyaasha dhaqanka Soomaliyeed kuwa ugu magaca weyn loogana hadlayay muuqaalka uu yeelanayo masiirka umda Soomaliyeed  iyo wadada loo marayo sidii lagaga gudbi lahaa xiliga ku meel gaarka ah ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho .

Intii aay socotay dooda waxaa la isku weydaarsadey talooyin iyo su’aalo xog kororsi ah oo dhamaantood ku wajahnaa xaalada kala guurka ah iyo baadi doonka isbadal cusub oo ku yimaada hanaanka guud ee Soomaaliya .

Dooda waxaa bud dhig looga dhigey in dib u eegid iyo turxaan bixin lagu sameeyo shirka madaxda dhaqanka ee ka socda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana aqoonyahanadii iyo qeybaha ururda bulashada ee ka qeyb gashey  soo hor fariistey Ugaas Cabdulaahi Ugaas xaashi faracade Ugaaska beesha murusade ,ugaas Maxamud Cali Ugaas Ugaaska beesha mudulood Garaad Jaamac Garaad Cali garaadka guud ee beesha dhulbahante Suldaan maxamed Jaamac shire suldaanka beesha layli kase Garaad Jamac Garaad Ismaciil iyo ugaaska guud ee beesha direed.


Doodan oo aay soo qabanqaabiyeen haya,ada cilmibaarista iyo wadatashiga ee CRD iyo Telefishinka Universal waxaa hogaamiyaasha la weydiiyey sida aay u arkaan xulida dubabka dhaqanka oo ka kooban 135 odey iyo shirka ka socda mogdishu ee odayasha waxyaabaha aay u arkaan qaladaad abuuri kara dib u dhac iyo sida xal loogu heli karo sidaas oo kale waxaa wax laga weydiiyay sida aay u dhici karto in aay dhexdhexaad u noqdaan siyaasiyiinta damaca siyasadeed leh iyo madaxda dowlada.


Odyaasha dhaqanku waxeey dhaliileen qaabka ka qeeybgalka odyaasha dhaqanka ee shirka mogdishu aygoo hoosta ka xariiqay in soomliya aaysan laheeyn 135 duub aygoo cadeeyay in aay jiraan duubab cusub oo la abuurey waxeeyn xukuumada kumeel gaarka ah ku eedeeyeen in madaxada dhaqanka aan loo madaxbanaaneeyn howlahooda ,hogaamiyaashu waxeey sheegeen in aay u taagan yihiin sidii xal looga gaari lahaa xaalada soomaliya.

Odoayaashu waxeey soo jeediyeen :-

1-in dib u eegid lagu sameeyo qaabka  ka qeeyb galka odoyaasha dhaqan

2-   in odoyaasha loo madaxbanaaneeyo howlaha loo idmaday si aay waxqabadkooda cadalad ugu saleeyaan.

3-in xukuumadu aaney ku dagdagin in shir loo qabto hogaamiye dhaqameed aan la turxaabixin .

4-Odayaashu waxeey ka codsadeen dowlada in aay soo bandhigto dastuurka qabyada ah si shacbiga awood ugu yeesho in aay ka qeeyb galaan taladiisa.

5-hogaamiyaasha dhaqanku waxey ku baaqeen in aan la marin habaabin qorshihii  qariidada nabada.

Hogaamiyaasha dhaqanku waxeey iska fogeeyn ineey  lug ku leeyihiin qabanqaabada shirka odayaasha ee ka socda magaalada mogdishu ayagoo sheegay in dhinacooda aaney wax war ah ka heyn hanaanka shirku u socda ilaa hadana aan loo soo bndhigin qorshe howleedka .



 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.