Hogaamiyaasha Al Shabaab oo la duldhigay $33 milyan oo dolar cidi soo sheegta

Mareykanka ayaa dul saaray lacago gaaraya 33 milyan oo doolar cidi xog ka keenta halka ay ku suganyihin 7 sarkaal oo ugu sareysa ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Hogaamiyaashaan lacagaha la dul dhigay ayaa kala ah sidan:

Ninka aas aasay Al Shabab Axmed Cabi Aw-Godane oo loo yaqaano Mukhtar Abu Zubeyr waxaa madaxiisa la saaray lacago dhan 7 milayn oo doolar, waxaa min shan milyan oo doolar madaxooda la saaray hogaamiyaasha kala ah Ibrahim Ibrahim Haji Jama (Ibrahim Afgan) oo isna ah nin kale oo ka mid ah raga aas aasay Al Shabaab, Fuad Mohamed Khalaf oo ah madaxa maaliyada Al Shabaab, abaanduulaha Milatariga Bashir Mohamed Mahamoud iyo Mukhtar Robow oo intiisa badan ahaa afhayeenka kooxda.

Sidoo kale dowlada Mareykanka waxay mid $3 million dul dhigtay madaxyada Zakariya Ismail Ahmed Hersi oo ah madaxa muqaabaraadka Al Shabab iyo Abdullahi Yare oo isna lagu sheegay sarkaal sare oo Al Shabab ah.
Saraakiisha Mareykanka ee State Department-ka qeybteeda loo yaqaano Cadaalada iyo Abaalmarinta ayaa xalay ku dhawaaqay waxaana ay sheegeen in tani noqon doonto dagaal cusub oo ku furma Al Shabaab.

Waaxdaan qaabilsan Abaalmarinta iyo Cadaalada ayaa sheegtay in barnaamijkani ku saabsan dadka la dulsaarayo madaxooda lacagaha oo soo bilowday sanadki 1984-ki lagu bixiyey lacago ka badan $100 million taasi oo lagu bixiyey dad gaaraya 70 ruux oo soo sheegay xog muhiim ah.

Waxa ka mid ahaa dadki xogtaasi lagu helay Ramzi Axmed Yusuf oo loo heystay inuu ka danbeeyey weerarki bambaano ee lagu qaaday xarunti ganacsiga aduunka sanadki 1993-ki.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya iyo waxa loo yaqaano argagixisada ayaa sheegaya in tani ay cadaadis weyn ku noqon doonto Al Shabaab oo haatan sadex jiho uga furanyahay dagaal oo kala ah, koofurta oo ay Kenya ka dagaalameyso, bartamaha oo ay joogaan ciidanka Itoobiya iyo ciisimada iyo hareeraheeda oo ay ka dagaalamayaan AMISOM.

Mareykanka ayaa ururka AL Shabaab ku daray liiska argagixisada sanadki 2008, waxaana uu u aqoonsaday danbiilayaal isaga oo cuna qabateyn ka saaray dhaqaalaha iyo safarada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

3 COMMENTS

  1. Asc sln kdb dad muslim ah o u dagaalamaya inu kor noqda kitaabka ilaahey miya gaalada lo shega aaah wallahi wa dulli nima mesha ugu xun ebe ayn ka magan galay wxs cidi sameysana ilah naarta haku fogeyo. AAMIIN AAMIIM

  2. madaxda alshawab ninkii meel ku sheegi karoo hasoo war galiyoo dowlada kumeel gaarka ee somalia adiga oo lagu siin dhoono awaal marin dhan 33 malyan o dolarka marekanka.

    • Asc sln kdb Dad muslim ah o u dagaalamaya kitaabka ilaahey inu kor noqdo miya shegistoda lcg lagu qaadana wlh taasi wa dulli nima weyn cidi sameysana ebe uma naxriisto.

Comments are closed.