Hindiya oo lacag o ballan qaaday Ciidamada AMISOM

3497_681543348551300_1213141235_nRaysal Wasaaraha Hindiya Man Mohan Singh ayaa ku dhawaaqay in dawladiisu ay ciidamada Midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM ugu deeqday lacag dhan labo milyyan oo Dollarka Maraykanka ah.

R/wasaare Sinhg waxaa uu sheegay in dawlada Hindiya oo ka hawaabaysa codsi kaga yimid ururka Midawga Africa ay ururka ugu deeqeen lacag dhan 5 billion oo Dollar lacagtaas 2 million oo ka mid ahna waxaa si gaar ah loogu deeqay howlgalka AMISOM.

R/wasaaraha Hiniya waxaa uu hadalkiisa ku sheegeen in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka wadaan howlgal ujeedkiisu yahay nabadeyn waana taas mida keentay in xukuumadiisu taageerto.

“Lacagta aan Africa ugu talo galnay 2 million oo ka mid ah waxaan ugu deeqnay ciidamada AMISOM si howsha ay hayaan loo xoojiyo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray xafiiska Man Mohan Singh uu ku leeyahay magaalada Delhi.

Dawlada Hindiya waxay ka mid tahay dawladaha sida gaarka ah u taageera ururka Midawga Africa dhaq dhaqaayada ay wadamada Africa ka wadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here