Hillary Clinton oo maalintii labaad ku jirta Isbitaal

Xoghayaha arrimaha dibddda ee waddanka Mareykanka ayaa isbitaal ku yaalla dalkaas la dhigay, kaddib markii laga helay wax dhaqaatiirta ay ku sheegeen dhiig xinjireestay, kaasoo ka dhashay jug dhawaan madaxa kaga dhacday.

Warbaahinta Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in baaritaan ay sameeyeen dhaqaatiirta dawayne Mrs. Clinton in la ogaaday madaxa uu jug ka soo gaaray, kaasoo sababay in dhiigga madaxa uu fadhiisto.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka waxa ay lee dahay waxa weli socda baaritaan, waxana loo maleenayaa in dhowr maalin ay ku jirto isbitaalka, waayo weli waxa ka muuqda daal fara badan.

Waxa kaloo jira warar sheegaya in labo toddobaad ka hor uu dhaawac xagga madaxa uu soo gaaray Cilinton.

Waxa ay ku jirtaa isbitaal ku yaalla magaalada New York,halkaasoo labadii cisho ay joogtay.

Lama sheegin inta maalmood ay ku sii jiri doono Mrs. Cilintonka isbitaalka, laakin dhaqaatiirta waxa ay lee yihiin illaa la baaro xanuunka haya waa ay sii joogi doontaa.

Waxa kaloo la sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka in maalmahan ay ka sheeganeysa xannuun xagga caloosha ku dhacay kaasoo lagu sheegay in uu yahay virus.

Si kastaba ha ahaatee, bishan 21-keedii ayaa la sheegay in ay suuxday Mrs. Cilinton kaddib markii uu ka dhacay fuuq-bax ama ay caloosha ay baxday, wixii intaas ka dambeeyay waxa ay joogtay gurigeeda, laakin shaley ayaa loo soo qaaday isbitaalka.

Mrs. Cilonto ayaa shaqada ka tageysa sannadka soo socda, waxana uu madaxweyne Obama booskeeda uu ku badalay

Waxa ay noqotay xoghayihii arrimaha dibedda Maraykanka ee ugu safarka badnaa, waayo tan iyo markii xilkaas loo qabtay waxa ay booqatay illaa 112-waddan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here