Hillary Clinton oo kasoo caafimaadeysa Xanuun beryahan hayay.

Afhayeen uhadlay wasaarada arimaha dibadda Mareeykanka, ayaa sheegay in Xoghaya arimaha dibadda dalkaas Hillary Clinton, ay hadda si tartiib tartiib ah uga soo Caafimaadeeyso Xanuun beryahanbo kahayay madaxa.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Mss Clinton, hadda lagu baxnaaninayo gurigeeda, islamarkaasna ay dhaqaatiirta kula taliyeen in mudo hal isbuuc ah ay shaqada kanasato.

Xoghayaha arimaha Dibadda Mareeykanka Hillary Clinton, ayaa isbuucii hore ka baaqatay safar qorshihiisu ahaa ineey ka qaybgasho shir looga hadlayay arimaha Syria oo ka dhacayay wadanka Morocco.

Sidoo kale Clinton waxay ka baaqatay xanuunkan qabtay dartiis, shir kadhacayay gudaha Mareeykanka islamarkaasna looga hadlayay dhacdadii 11 sebtember ee sanadkaan kadhacday Safaarada mareeykanka uu ku leeyahay Magaalada Bangazi ee wadanka Liibiya halkaasoo lagu dilay 4 muwaadin Mareeykan ahaa oo kujiro Safriirkii dalkaas ufadhiyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here