Hilib la’aan saakay ka jirta suuqyada Muqdisho

hilibQaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka laga soo sheegayaa hilib la’aan, kadib markii shaqo joojin ay sameeyeen qaar ka mid ah ganacsatada hilibka gawracda.

Yaasiin Axmed oo ka mid ah ganacsatadaasi ayaa u sheegay warbaahinta in taasi ay ka dambeysay kadib markii caqabad ay kala kulmeen shaqsiyaad gaar ah oo maamula kawaanka Bari eek u yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale, waxa uu sheegay Yaasiin in lasoo gaarsiiyay wareegto ka mamnuucaysa in aysan xoolo ku qalin meel aan ahayn kawaanka Bari.

Maamulkii hore ee gobolka Banaadir ayaa sanadii hore soo saaray amarka ah in meel aan kawaan Bari ahayn lagu gawrici karin xoolaha, maamulka ayaa xiray ganacsato gaaraysa 50, kadib markii ay u hogaansami waayeen amarada maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here