Higuaín oo jabiyay rikoor 66-sanadood la jabin waayay

Allan of Napoli competes for the ball wth Daniel Ciofani of Frosinone during the Serie A match between SSC Napoli and Frosinone Calcio at Stadio San Paolo on May 14, 2016 in Naples, Italy.
Allan of Napoli competes for the ball wth Daniel Ciofani of Frosinone during the Serie A match between SSC Napoli and Frosinone Calcio at Stadio San Paolo on May 14, 2016 in Naples, Italy.

Gonzalo Higuaín, ayaa shalay Horyaalka Italy ka dhigay Rikoor cusub oo qaas u ah, kadib markii uu jabiyay Rikoor 66 sanadood la jabin waayay, Gonzalo ayaa Ololahaan dhaliyay 36 Gool.

Gonzalo Higuaín, ayaa shalay ciyaartii ugu dambeysay Sera A ka dhaliyay 3 gool kooxda tabarta yar ee Frosinone.

Gunnar Nordahl oo u dheeli jiray kooxda AC Milan ayaa rikoorkan horay u dhigay xilli ciyaareedkii 1949-50-kii, waana ciyaaryahanka goolasha ugu badan dhaliyey hal cilli ciyaareed, laakiin hadda rikoorkaas waxaa jabiyey Higuaín oo dhaliyey 36 gool.

Higuaín ayaa taariikhda horyaalka Talyaaniga baal dahab ah ka galay, waayo waxa uu jabiyey 35 gool oo uu hal xilli ciyaareed dhaliyey laacibka Sweden iyo kooxda AC Milan ee Gunnar N ordahl, waxaana Higuaín oo dhaliyey 36 gool uu rikoodh cusub u dhigay horyaalka Serie A, waxaana uu noqday laacibka goolashii ugu badnaa abid ka dhaliya hal fasal ciyaareed.

Kulankii ugu dambeeyey ee ay Napoli 4-0 ku garaacday Frosinone, waxa uu Higuaín dhaliyey saddexleey sidaas ayuuna rikoorkan ku jabiyey.

Halkaan ka daawo Gool caaqibo leh oo uu Higuain shalay ka dhaliyay Frosinone:

Gonzalo Higuaín waxa uu ku guuleystay gooldhalinta horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan 36 gool, waxaana ku soo xigay oo kaalinta labaad ku dhammaysatay Dybala oo Juventus ka tirsan kaasoo leh 19-gool.

Sidoo kale waxay waxeey ahayd habeen Taariikhda ay u gashay ciyaaryahanka Marek Hamsik, kaasoo  magaciisa la simay xidigii hore halyeeygii hore ee Napoli Maradone, kadib markii uu dhaliyay Goolkiisi 81-aad ee Napoli.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here