Hibo Nuura oo xaflad soo dhaween ah loogu sameeyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweenaayay fannaanada heerka qaran ee Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura) oo dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ka dhacday Hotel City Palace ee degmada Cabdicasiis, waxaa ka qaybgalay maamulka gobalka Banaadir, wasiiro, xildhibaanno, abwaaniin, fannaaniin iyo dad lagu casuumay xafladda.

Fannaanada oo goobta heeso wadani ah oo gubaabo ah ka qaaday ayaa ka ilmeesiiyay dadkii munaasabada ku sugnaa.

Waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay imaashiyaha magaalada Muqdisho, waxa ay muujisay in caasimada Soomaaliya ay ku soo laabaneyso heerkeedii hore sida ay hadalka u dhigtay.

DSC09038

Waxaa goobta heeso ku soo bandhigay qaar ka mid ah hobaladii qaranka Waabari.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay fannaanida Soomaalida kale ee dibedda ku sugan in ay dalka ku soo laabtaan kana qayb qaataan horrumarka dalka.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobalka Banaadir in maamulkiisa uu ku marti qaaday fannnaanada weyn ee Hibo Nuura.

Tarsan ayaa tilmaamay in dhawaan magaalada Muqdisho ay imaan doonaan fannaaniinta caanka ah ee Maxamed Suleemaan Tubeec oo ahaa boqorka cad iyo Maxamed Axmed Qoomaal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire oo xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho oo lagu qabto xaflad noocan oo ah  xili habeen saq dhexe ah ay ka turjumeyso nabad-galyada ka jirta Muqdisho.

Wuxuu hoosta ka xariiqay intaa ku daray in nabaddan aysan si fudud ku imaan oo dhiig loo huray balse dadka reer Muqdisho laga doonayo iney ilaaliyaan xornimadaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho labadii sanno ee la soo dhaafay ku soo laabanayay fannaaniin caan ah kuwaasoo in muddo ah ka maqnaa caasimada waxaana ka mid ahaa:- King Khaliid, Seynab Labadhagax, Kooxda Waayaha Cusub, Farxaan Xidig, Faduumo Duur iyo kuwa kale oo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here