Hey’ado u guuray magaalada Baydhabo

Sadex hey’adood oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo kuwaasi oo ka shaqeyn doono gobolada Bay iyo Bakool.

Hey’adahan oo kala ah hey’ada Maareynta Masiibooyinka, Hey’ada Hey’ada Dib udhiska iyo Dib u dajinta iyo Hey’ad lagu magacaabo ka hor taga qilaafaadka kuwaasi oo dhamaantood hoos taga dowlada KMG Soomaaliya.

Hey’adahan ayaa ka shaqeyn doona dib u dhiska, dib u dajinta iyo arimaha bani,aadanimada ee magaalada Baydhabo, waxa kale oo ay xooga saarayaan sidi ay isugu xiri lahaayeen goboladaasi iyo xarunta dhexe ee dowlada KMG Soomaaliya.

Sacid Cawil Isaq oo ka mid ah gudiga dib u dhiska iyo dib u dajinta ayaa sheegay in ay wadaan wadatashi ay leeyhiin qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.

“Waad fahmeysaa waxaan ku jirnaa kala guur marka waxaan rabnaa in aan ka shaqeyno sidi aan isugu soo xiri laheyn gobolada la xoreeyey iyo dowlada KMG Soomalaiya, hada waxaa socdo wada tashi iyo wadahadal qeybaha bulshada aan la leenahay,” ayuu yiri.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maamula dowlada KMG Soomaaliya, waana magaalo istaraatiiji ah, waxaa haatan ku wada sugan ciidamada dowlada, kuwa AMISOM iyo ciidamo ka socda Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.