Hey’adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Odayaasha dhaqanka Siminaar ugu qabatay Muqdisho (sawiro)

Hey’adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta Siminaar looga hadlayay sida lagu saleyn karo mustaqbalka qoysaska dhaqanka suuban iyo caqiidada ugu qabatay magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka, iyadoo siminaarkan ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay.

Ugu horeyn Siminaarkan oo uu furay Gudoomiyaha Hey’adda Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS Mudane Ciise Xasan Diinax ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeyb galo siminaarka odayaasha, isagoo bogaadiyay ifafaalaha nabadeed ee ka jira Muqdisho.

“Waxaa sharaf ii ah inaan ka soo qeyb galo siminaarkan, odayaasha dhaqanka door wanaagsan ayay nabada ka qaadan karaan, dalka waxaa uu ku jiraa marxalad kala guur ah, waxaa loo baahan yahay in la xasiliyo, nabada la xoojiyo, sidaas darteed ifafaalaha nabadeed ee la helay in guri walba iyo geed walba loo galo sdii lagu xoojin lahaa”ayuu yiri Mudane Ciise Xasan Diinax.

C/llaahi Cali Aadan (Baarbe) oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyed ee Magaalada Nashville ee Gobolka Tennesee ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in howlaha ay qabato Hey’adda UYS ay kala socdaan website-yada iyo Telefishinada, isagoo soo dhoweeyay is bedelada dalka ka dhacay iyo sida nabada loogu heelan yahay.



“Waxaan la socona is bedelada dalka ka dhacay, iyo nabada sida loogu heelan yahay, Jaaliyada Nashville waxaa idinka sidaa salaan, qurbaha aan ka nimid waxaa ka jira cariiri, waa meel qabow dadka u baahan cimilo wanaagsan, dalkeena ayay taalaa, nabada aan heysano hadaan xoojino caruurteeni iyo anagaba dalka dib ayaa ugu soo laaban karnaa, marxalado kala duwan la soo maray”ayuu yiri C/llaahi Aadan Baarbe.



Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku ammaanay Hey’adda UYS howlaha ay bulshada u heyso, isagoo xusay in waqti culeys badan uu jiray ay howsha bilowday Hey’adda, isla markaana haatan meel wanaagsan la marayo, isagoo ugu baaqay inay halkeeda ka sii ambaqaado.



Waxaa uu sheegay in xaaladaha dalka ka jira ay sababtay in haweenka iyo caruurta ka soo gaaro dhibaato, isagoo xusay inay yihiin kuwo ugu nugul, waxaana uu intaa ku daray in sida kaliya ee looga hortagi karo ay tahay in xaqa ay leeyihiin dadkaas la muujiyo, dadkana wanaaga la faro.



Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah nabadoonada ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu xoojin karo dhaqamada bulshada ay tahay, inay isku xirnaadaan qeybaha bulshada Soomaaliyed, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka ay hormuud u noqdaan.



Sidoo kale waxaa ka hadlay Siminaarka C/llaahi Cabdulle Wehliye, Xasan Maxamed Diirshe iyo Nabadoon Maxamed Jaamac Dirir oo ka mid ah Gudiga Odayaasha dhaqanka ee UYS ayaa la xoojiyo isku xirka bulshada, laguna saleyn lahaa, mustaqbalka qotysaska dhaqanka iyo caqiiqadada.



Intii ay socotay Siminaarka ayaa waxaa jiray ilaa lix Group ah oo ay Odayaasha kaga doodeen qodobadii la soo hordhigay, iyagoo si adag uga munaaqashadooda, isla markaana aragtidooda iyo fikradooda isku weydaarsaday doodii dhex martay ee ahaa su’aalaha siminaarka.



Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xiray Abuukar Sheekh Cusmaan (Abukar Ganey) ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan Hey’adda UYS, siminaarada iyo dood cilmiyeedyada ay u qabtaan odayaasha, isagoo ugu baaqay ka qeyb galayaasha, in waxyaabaha ay ka faa’ideystaan ay u gudbiyaan bulshada.