Hey’adaha amaanka dowlada oo si qasab ah ku kala eryey dad isugu yimid xaflad loogaga dhawaaqi rabay maamul goboleed cusub

Ciidamada booliska iyo nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta kala eryey boqolaal ruux oo isugu yimid munaasabad loogaga dhawaaqi rabay maamul goboleed isku xiro gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka.

Xaflada oo ka dhaceysay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa dad gaaraya ku dhawaad 300 oo ruux oo isugu jiray ganacsato, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo dhalinyaro, waxaana lagu waday in lagu iclaamiyo maamul goboleedka Banaadirland.

Maamulkaan oo qaban qaabada dhisitaankiisa ay maalmahan oo dhan ka socotay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku midoobi lahaa gobolada Banaadir, Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Iyadoo ay socoto xaflada dadkuna ay soo wada xaadireen ayaa waxaa yimid ciidamo ay hogaaminayaan taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir iyo kan nabadsugida kuwaasi oo amray in munaasbaada la joojiyo.

Si qasab ah ayey ku kala eryeen dadki kasoo qeybgalay iyaga oo horay u watay qaar ka mid ah dadki soo qaban qaabiyey oo sida la sheegayo la xiray.

Ma jirin wax war ah oo ay bixiyeen taliyaasha hase ahaatee waxay ku gaabsadeen in ay wasaarada arrimaha gudaha amar kusoo siisay in la joojiyo ku dhawaaqista maamulkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.