Hey’ada Xuquuqda Aadanaha Kulmiye oo cambaareysay qaraxi Tiyaatarka

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye ayaa si kulul u cambaareysay qaraxi lagu weeraray shalay Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Kulmiye Human Rights oo nuqul ka mid ah nala soo gaarsiiyey ayaa lagu sheegay in hey’ada ay aad uga xuntahay dadki rayidka ahaa ee ku dhintay qaraxi 4-ti bisha April ka dhacay Tiyaatarka Qaranka kaasi oo lala eegtay xilli ay socotay munaasabad lagu xusay dib u holwgelinta TV-ga Qaranka.

“Waxaan aad uga xunahay uguna murugeysanahay dadki rayidka ahaa ee naftooda ku waayey qaarna ku dhaawacmay qaraxi masiibada ahaa ee Arbacadi shalay aheyd ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye si kulul ayey u cambaareyneysaa falkaasi ka baxsan bani,aadannimada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale Kulmiye ayaa uga tacsiyeyeysay dadka Soomaaliyeed iyo bahda isboortiga Soomaaliya geeridi ku timid gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cakta Soomaaliya Saciid Mugaanbe iyo gudoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Adan Yabarow Wiish oo ka mid ahaa dadki ku dhintay qaraxi shalay.

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye oo ay xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeynti ugu baaqday Al Shabaab in ay joojiso dilalka macna darada ah ee ay la beegsaneyso dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed, iyada oo dowlada KMG Soomaalia ka codsaday in ay ilaaliso amaanka munaasabadaha ay dadka isugu yimaadaan.

Qaraxi ismiidaaminta ahaa ee Tiyaatarka Qaranka shalay lagu qaaday waxaa sheegtay Al Shabaab, waxaana ku dhintay ilaa iyo 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30-kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.