Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye oo soo saartay tacidiyada loo geystay rayidka lixdi bilood ee lasoo dhaafay

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye Human Rights ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku faah faahisay tacadiyada dadka rayidka ah loo geystay lixdi bilood ee lasoo dhaafay dalka Soomaaliya.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiskeeda Muqdisho ayey hey’adan oo loo soo gaabiyo HUHRO ku sheegtay in tirada dhimashada dadka rayidka ah ay ka yartahay lixdi bil ee ugu danbeysay sanadkan 2011 lixdi bil ee hore.

Waxay sheegtay in lixdi bilood ee ugu danbeysay in ay dhinteen 514 ruux oo rayid ah ah oo u dhintay intooda badan dagaalo ka dhacay gudaha Soomaaliya, duqeymo ay diyaaradaha Kenya ka geysteen koonfurta Soomaaliya, dilal qorsheysan iyo kuwo bareer ah oo loo geystay dadka rayidka ah.

Dhaawacyada ayey ku dheegtay lixdi bilood ee lasoo dhaafay 877 ruux inta ay diiwaan gelisay kuwaasi oo dhamaantood dad rayid ah, dagaaladi ugu danbeeyey ee ka dhacay Muqdisho bilihi September, October iyo November ayey sheegtay hey’adu in ay ku barakaceen 531 qoys kuwaasi oo badankooda ka barakacay deegaano ka mid ah Yaaqshiid, Hiliwaa, iyo Daayniile.

Kiisaska ay ka diiwaan gelisay tacadiyada kale ayey hey’ada KUHRO ku sheegtay 8 ruux oo siyaabo kala duwan loogu afduubay Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay iyo 11 kiis oo kufsi ah oo badankooda ka dhacay xeryaha dadka barakaca ah ay ku jiraan ee magaalada Muqdisho.

Ugu danbeynti Hey’ada xuquuqda aadanaha ee KUHRO ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya siyaasada iyo kooxaha kale ee hubeysan in ay xaq dhowraan xaquuqda uu leeyahay qofka bani,aadamka ah isla markaana ay ogaadaan in ay jiri doonto maalin la hor keeni doono cadaalada.

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye Human Rights ayaa ka mid ah hey’adaha maxaliga ah ee ka dhisan Soomaaliya, waxaana xarunteeda ugu weyn ay ku taalaa magaalada Muqdisho.