Hey’ada xuquuqda aadanaha ee Kulmiye oo ka walaacsan tacadiyada kufsiga oo ku badanaya Muqdisho

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye Human Rights ayaa warbixin ay ay maanta soo saartay ku faah faahisay tacadiyada dadka rayidka ah loo geystay lixdi bilood ee lasoo dhaafay gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiskeeda Muqdisho ayey hey’adan oo loo soo gaabiyo HUHRO ku sheegtay in kiisaska kufsiga ah ee loo geysanayo dumarka qeybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho ay korordhay lixdi bilood ee lasoo dhaafay.

Waxay sheegtay in ay diiwaan gelisay ilaa iyo 89 kiis oo kufsi ah kuwaasi oo intooda badan ka dhacay xeryaha barakaca ee magaalada Muqdisho sida Badbaado, Rajo, Xeryaha ku yaala Safaaradi Mareeykanka iyo kuwo kale oo ku yaala magaalada Mudqisho.

Sidoo kale kufsiga wuxuu ku badanyahay bay leedahay hey’adan xaafadaha  Caymiska, Ex-koontarool, Carafaat iyo qeybo ka mid ah xaafada Juungal ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay dumarka ku dhibaateeyaan ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Hey’ada ayaa cambaareysay falalkaasi tacadiga ah ee kufsiga ah ee loo geysanayo haweenka Soomaaliyeed xilli magaalada Muqdisho ay ka arrimiso dowlada KMG Soomaaliya, waxaana ay ku baaqday in gacanta lagu soo dhigo kooxaha kofusiga ka geysto Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

Dhanka kalana KUHRO waxay sheegtay in tirada dhimashada lixdi bilood ee lasoo dhaafay ee dadka rayidka ah ay ka yartahay tii sanadki hore, waxaana haatan ay diiwaan gelisay ilaa iyo 461 ruux, halka ay dhaawacyadu gaarayaan 1328 ruux.

Ugu danbeynti Hey’ada xuquuqda aadanaha ee KUHRO ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya siyaasada iyo kooxaha kale ee hubeysan in ay xaq dhowraan xaquuqda uu leeyahay qofka bani,aadamka ah isla markaana ay ogaadaan in ay jiri doonto maalin la hor keeni doono cadaalada.

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Kulmiye Human Rights ayaa ka mid ah hey’adaha maxaliga ah ee ka dhisan Soomaaliya, waxaana xarunteeda ugu weyn ay ku taalaa magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.