Hey’ada Xasaradaha Caalamka oo duulaanka Kenya ee Soomaaliya ku tilmaantay qar iska tuurnimo

Kooxda Xasaradaha Caalamka ee loo soo gaabiyo ‘ICG’ ayaa warbixin ay soo saartay todobaadkaan kaga hadashay duulaanki ay dowlada Kenya ku qaaday Soomaaliya.

Warbixinta ICG ayaa xooga saartay galitaanki ciidamada Kenya ee koonfurta Soomaaliya, go,aanadi ka danbeeyey, bilowgi weerarka iyo habka ay uga bixi karto.

ICG ayaa ku dhaliishay Kenya in ay ku gashay dalka Soomaaliya si indha la,aan ah oo aysan ka fiirsan weerarki ay ku qaaday Al Shabaab waxaana ay ku tilmaantay duulaan ‘Qar iska tuurnimo’ ah.

Hey’adaan oo si weyn indhaha ugu heysa xaalada Soomaaliya ayaa tilmaantay in Kenya ay isku darstay ku fududaasho howlgal milatari oo aysan dhaqaale badan u hayen, iyo ciidamadeeda oo aanan qibrad u laheyn dagaalada maadaama aysan waligeed dagaal la galin dalalka dariska ah.

Talayoon ayey u jeedisay dowlada Kenya oo ku aadan duulaanka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxay ugu baaqday in marka hore ay la timaado Kenya yool cad oo sheegaya galitaankeeda iyo waxa ay ka qabanayeso Soomaaliya iyo sida ay uga soo bixi doonto.

In ay isku daydo in ay qabato dakada magaalada Kismaayo oo ay Al Shabaab kasoo galaan dhaqaale xoog leh.

In ay xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah la yeelato ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya, iyo in ay la shaqeyso maamulka ay dowlada KMG Soomaaliya ka dhisi doonto gobolada Jubooyinka.

Dowlada Kenya ayaa dagaal lama filaan ah kusoo qaaday Soomaaliya bishi October ee kal hore, waxaana ay ka qabsadeen hada ururka Al Shabaab deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.