Hey’ada WHO oo ka howlgashay magaalada Xudur + Sawiro

Hey’ada Qarmada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa todobaadkan ka furtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool xarun caafimaad oo si lacag la,aan ah dadka loogu daweeyo.

Xaruntan oo ay haatan ka howlgalayaan dhaqaatiir caafimaad ayaa waxaa qalabeyey hey’ada WHO waxaana furitaankeeda ay kusoo aadeysaa laba bilood kadib marki ay ka baxeen magaalada Xarakada Al Shabaab.

Xarakada Al Shabaab ayaa isaga baxay kadib marki ay halkaasi tageen bishi April ilaa iyo 2,000 oo askari oo Itoobiyaan ah iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan saraakiisha haatan ciidamada Al Shabaab waxay magaalada u jiraan ilaa iyo 12 mile, halka amaankana ay sugayaan ciidamada is garabsanaya, sidaasi daraadeed waxaa soo laabanaya adeegyadi bulshada ku nool magaalada Xudur oo lagu qiyaasay ilaa iyo 40,000 oo ruux.

Holwha xaga samafalka ah ee haatan ka bilowday Xudur ayaa waxaa hormuud ka ah Dr. Omar Sale, kaasi oo ah isu duwaha howlaha gargaarka dag daga ah ee WHO ee Soomaaliya.

Goobaha caafimaadka ayaa marnaa kadib marki ay Al Shabaab amreen in aysan ka howlgali karin hey’adaha gargaarka deegaanada ay maamulaan, waxaa hey’adaha mamnuuca ka ah deegaanada ay Shabaab maamulaan ku jirto hey’ada WHO.

Hey,adaha gargaarka ayaa u muuqdo in ay ka howlgalayaan magaalooyinka ay qabsatay dowlada KMG Soomaaliya kadib marki ay uga baxeen marki hore cabsi ay ka qabeen Al Shabaab oo mamnuucay.