Hey’ada nabad sugida oo ka warbixisay howlgalo ay ka sameeyeen Xamar weyne

Hey’ada Nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgalo ay maanta ka sameeyeen degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa’id ku Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka maanta ay sameeyeen ciidamada gaarka ah kuwaasi oo ku qabtay hub iyo rasaas.

Hubka iyo rasaasta oo saarneyd Gaari Dameer ayaa laga qabtay Xamar Weyne waxaana hada xiran nin la socday oo uu taliyuhu sheegay inuu qirtay in hubka uu u waday Al Shabab kuna sii jeeday deegaanka Ceelasha Biyaha.

Mr Erag ayaa carabka ku tilmaamay in wali ay socdaan howlgalada isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo hadafki laga lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Meelaha uu sida aad ah u saameyey howlgalki maanta ayaa waxaa ka mid ahaa isgoyska Afar Irdood oo hada ah halka laga raro baabuurta BL-ka ee Xamar Weyne, waxaana ciidamada ay baarayeen dadka maraya goobtaasi.

Ciidamada nabadsugida ayaanan loogaga baran howlaha baaritaanka, waxaa horay howlgalada u fulin jiray ciidamada booliska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.