Hey’ada Nabad Sugida oo Baabuur kooxo Dabley ah ay Dhaceen ku Wareejisay Dadki iska lahaa (Sawirro)

Hey’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa Maanta wareejisay Baabuur ay kooxo dabley ah ka dhaceen Dad ku nool Magaalada Muqdisho.

Khaliif Axmed Eeg Taliyaha Nabad Sugida Qaranka ayaa Maanta Warbaahinta Muqdisho u soo bandhigay Gawaari horey looga dhacay Dad Shacab ah, kuwaasoo laga helay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Nabad Sugida howlgalo ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah Muqdisho ay ku soo qabteen gawaari horey looga dhacay Dad shacab ah, wuxuuna sheegay inay u suuragashay sidi dib loogu celin lahaa Dadki iska lahaa Baabuurta.

Ereg ayaa xusay in gawaarida ay ku wareejiyeen dadki lahaa, isagoo sheegay inay mahad celin balaaran u jeediyeen Hey’ada Nabad Sugida Qaranka.

Hey’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa horey u soo celisay hanti laga dhacay Dad shacab ah, waxaana ay wali wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka, iyagoo ka hortagaya kooxaha caadeystay inay dhacaan gawaarida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here